Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mahiga oo Raalli Geliyey Soomaaliland


Ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee QM ugu qaabilsan Soomaaliya Augustine Mahiga oo ku sugan Hargeisa, ayaa sheegay inuu raali galin ka bixinayo qoraal uu sheegay inuu si khaldan uga soo baxay xafiiskiisa oo ay ka biyo diideen masuuliyiinta Soomaalil and.

Qoraalka sida qaldan uga soo baxay xafiiiska Mahiga oo soo gaaray Soomaaliland ayaa lagu sheegay in Soomaaliland ay tahay maamul goboleed ka tirsan wadanka Soomaaliya.

Mahiga oo Hargeysa kula kulmay madaxweynaha iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliland, ayaa sheegay inuu qaatay masuuliyadda dhanbaalka maadaama uu magasciisu ku saxiinaa.

Mahiga ayaa dhinaca kale ka hadlay doorashooyinka dawladaha hoose ee maalinta barri ah la filayo inay ka dhacdo gobolada iyo degmooyinka Soomaaliland.

Warbixinta raaligelinta iyo booqshada Mahiga halkan hoose ka dhageyso.
XS
SM
MD
LG