Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ganacsade lagu Dilay Suuqa Bakaaraha


Axmed Nuurre Owdiini oo ahaa Guddoomiyihii Guddiga Ganacsatada suuqa Bakaaraha ee Muqdisho ayaa saaka dabley hubaysani ku dileen gudaha suuqa. Suuqa Bakaaraha ayaa ganacsigiisii u dib u soo noqday ilaa markii halkaas ay ka baxeen ciidamada ururka Al-Shabaab oo horay u maamuli jiray. Dilalka qorsheysan oo meelo kale magaalada ah ka dhacayey xiliyadii dambe, ayaan suuqa lagu arki jirin ilaa markii ganacsiga dib loo hirgaliyey.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay jidgooyooyinka ka jira magaalada Muqdisho oo uu sheegay in ay yihiin kuwa dhibta jirta oo dhan bilowga u ah. Waxa uu amray guddoomiyeyaasha degmooyinka ee gobolka Banaadir in si dhakhso ah loo qaado jidgooyooyinka Muqdisho yaalla.

Warbixin arrintan ka hadlaysa hoosta ka dhageyso.

please wait

No media source currently available

0:00 0:07:32 0:00
XS
SM
MD
LG