Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mucaaradka Syria oo Qabsaday Shaldhig Ku Dhow Dimishiq


South Sudanese wait in line to register as refugees in Uganda after arriving at Ayilo refugee resettlement camp.
South Sudanese wait in line to register as refugees in Uganda after arriving at Ayilo refugee resettlement camp.

Kooxaha Mucaaradka Syria ayaa sheegay inay qabsadeen saldhig ciidamada cirka dowladda ay ku leeyihiin meel ku dhow Dimishiq

Mucaaradka Suuriya ayaa sheegay inay qabsadeen saldhig dayuuradaha Qumaatiga u kaca ee dowladda ay adeegsadaan oo ku yaala meel u dhow caasimadda dalkaasi ee Dimishiq, iyagoo isku dayaya inay ku dhawaadaan xarunta uu ku xoogganyahay Madaxweyne Bashaar Al-asad ee caasimadda.

Muuqaal Fiidiyow oo ay sii daayeen mucaaradka Suuriya axadii shalay ayaa muujinayay ciidamada mucaaradka oo dhex wareegaya saldhiga ciidamada cirka ee Marij al-Sultan, oo qiyaastii 15 kilometer ka xiga dhinaca bari magaalada Dimishiq, halkaas oo ay mucaaradku weerar ku qaadeen maalintii Sabtida.

Kooxda la socota xaaladda Suuriya ee fadhigeeduyahay dalka Britain ayaa sheegtay in mucaaradku ay dileen ugu yaraan sideed ka mid ah askarta dowladda, isla markaana ay burburiyeen laba dayuuradood oo nooca qumaatiga u kaca ah, kooxdu waxey intaasi ku dartay in dagaalkaasi sidoo kale lagu dilay 15 ka mid ah dagaalyahanada mucaaradka.

Warkaasi dowladda Suuriya ma aysan xaqiijin.

Xoogagga Mucaaradka ee isku dayaya inay xukunka ka tuuraan Madaxweyne Asad ayaa si tar tariib ah isugu balaarinayay dhulka ku dhow dhow magaalada Dimishiq, in kastoo aysan u babac dhigi Karin xooggag dowladda oo weli ku xooggan caasimadda.
XS
SM
MD
LG