Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Alshabaab oo Weerartay Mas'uulyiin ka Tirsan Dowladda iyo AMISOM


Masuuliyin ka tisran dowladda Soomaaliya iyo AMISOM oo marayey inta u dhaxeysa deegaanada Yaaq-Bariweyne iyo Leego oo ka tirsan gobalka Shabeelada Hoose, ayaa weerar ku qaadday maleeshiyada Alshabaab.

Weerarka ayaa waxaa ku dhaawacmay guddoomiyaha gobalka Shabeellada Hoose Cabdulqaadir Maxamed Nuur Siiddii. Sidoo kale waxaa weerarka ku dhaawacmay afar askari oo laba ay Soomaali tahay labada kalena ay yihiin AMISOM.

Guddoomiye Siiddii oo la hadlay Idaacadda VOA, ayaa sheegay in dhaawaca uu soo gaaray uu yahay mid fudud ayna iska caabiyeen weerarkii gaadmada ahaa ee lala eegatay.

Wareysiga oo dhan ka dhageyso qeybtan hoose.

please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:06:10 0:00
XS
SM
MD
LG