Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Madaxda Bartamaha Africa oo u Digay Falaagada M23


Madaxweynayaasha wadamada Bartamaha Africa ayaa sheegay in falaagada qabsatay magaalada Goma ee Jamhuuriyadda Dimuquradiga Congo ay sida uga dhaqsiyaha badan uga baxaan magaalada.

Madaxweynaha Congo Joseph Kabila, madaxwynaha Ruwanda Paul Kagame iyo madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa hadal wadajir ah ka soo saaray kulan ay ku yeeshseen magaalada Kampala ee caasimadda Uganda.

Hogaamiyayaasha ayaa sheegay in falaagada M23 ay joojiso dagaalka ayna isaga baxdo magaalada Goma, sidoo kale wax ay sheegeen madaxdu in Jamhuuriyadda Dimuquraadiga Congo ay balan qaadday in ay baaritaan ku sameyso sababihii ka danbeeyey colaadda u dhaxeysa falaagada iyo dowladda.
XS
SM
MD
LG