Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Bus lagu Qarxiyay Magaalada Tel Aviv


Magaalad Tel Aviv waxaa ka dhacay qarax lala eegtay baabuur buska dadweynaha oo marayay meel u dhow xarun militari.

Saraakiil u hadlay booliska ayaa sheegay in inkabadan 10 qof ay ku dhaawacmeen qaraxan oo uu ku tilmaamay inuu ahaa mid "argagixiso"

Qaraxan bus-ka ayaa ku soo beegmaya iyadoo ay wali socdaan dagaallada u dhaxeeyay Israel iyo Falastiiniyiinta dagan Xamaas.

Isreal ayaa duqeysay xarun ururka Xamaas uu ku leeyahay Gaza, iyadoo dhinaca kale ay Xamaas wado weerarada gantaallada ah ee ay ku tuurayso dhinaca Israel.

Dhinaca kale,waxaa socda dadaallada lagu doonayo in xabad-joojin laga dhex-dhaliyo labada dhinaca. Wadahadallo ayaa ka socdo Daanta Galbeed, Jerusalem iyo Qaahira.

XS
SM
MD
LG