Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Masar: 50 Caruur ah oo ku Dhintay Shil Tareen & Bus


50 qof oo u badan caruurta Schoolka ayaa dhintay kaddib markii baabur bus ah oo ay saarnaayeen uu ku dhacey tareen nooca dheereeya ah.

Shilkan ayaa ka dhacay wado is-goys ah oo tareenada iyo baabuurtu isticmaalaan oo qiyaastii 300 KM dhinaca koofureed kaga beegan magaaalada Cairo.

Bus-ka waxaa ka buuxay in kabadan 60 caruurta Schoolka ah oo da'doou u dhaxeyso 4 iyo 6 sannadood, wuxuuna tareenku ku dhacay xilli uu bus-ku ka gudbayay goobta isgoyska ah.

Yahya Keshk, oo ah guddoomiye gobolka uu shilku ka dhacay ayaa sheegay in tareenka ay wadado u furnayd markii uu bus-ka ku dhacayay, iyadoo qofkii shaqaalaha ahaa ee goobtaa ka shaqeynayay uu hurday. Qofkaasi ayaa la xiray shilka ka dib.

Wasiirka gaadiidka ee Masar, Mohamed Rashad ayaa is casilay shilkaasi kaddib. Madaxweyne Morsi ayaa amray in la caawiyo ehellada dadka ay dhibaatadu gaartay.


XS
SM
MD
LG