Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Israel oo Xirtay Wadooyinka Soo Gala Gaza


Milateriga Israel ayaa xiray wadooyinka waa weyn ee soo gala Marinka Gaza, taasoo u muuqata inay tahay weerar dhinaca dhulka ah oo lagu qaadayo deegaanka Falastiiniyiinta, iyadoo laga yaabo inuu qarxo dagaal rasmi ah.

Weerarro ay goor hore oo Sabtidan ah ay qaadeen diyaaradaha dagaalka ee Israel ayaa burburiyey Xarunta Golaha Wasiirada ee Xamaas

Weerarkan ayaa dabasocday kadib markii ay Jimcihii shalay ciidamda Xamas iyo kuwa Israel ay gantaalo is weydaarsadeen, iyadoo mid ka mid ah madaafiicda ay falastiiniyiintu tureen-na uu ku dhacay meel banaan oo dibadda ka ah magaalada Qudus. Hamas ayaa sheegatay masuuliyadda gantaalka lama filaanka ah ee lagu ganay magaalada barakeysan.

Israel ayaa u yeertay 75,000 ka mid ah ciidankeeda keydka ah ee milateriga, kuwaasi oo laga yaabo inay xoojiyaan weerar dhulka ah oo lagu qaado dhulka Falastiin.

Saraakiisha Falastiin ayaa sheegay in 38 qof ay ku dhinteen Gaza tan iyo markii ay Israel bilaawday weerarada dhinaca cirka ah horaantii todobaadkan. Dhanka Israel-na waxaa la soo wariyey in gantaalaha Xamaas ay ku dhinteen sedex qof.
XS
SM
MD
LG