Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Diyaaradaha Israel oo Weli Duqaynaya Marinka Gaza


Diyaaradaha dagaalka ee Israel ayaa burburiyey in ka badan tobaneeyo goobood khamiistii shaly, iyagoo weerarada cirka ku bartilmaameedsaday kooxaha hubaysan ee Marinka Gaza, maalin ka dib markii gantaal ay soo tuurtay Israel uu Gaza ku dilay sarkaal sare oo ka tirsan Hamas.

Gantaalo dhowr ah oo jawaab ah oo laga soo tuuray Gaza laguna ganay Israel, ayaa mid ka mid ahi uu ku dhacay dhismo la dagan yahay waxa uuna ku dilay sedex qof oo Israeli ah, iyadoo taasi ay tirada dhimashada ee labada dhinac ka dhigayso 15.

Wariyaha VOAda ee magaalda Qudus Scott Bobb oo ku sugan koofurta Israel ayaa sheegay in sedex qeybood oo ka mid ah dhismaha ay burbureen.

Saraakiisha Israel ayaa sheegay in gantaaladu ay ku dhaceen badda. Kooxaha hubaysan ee Falastiiniyiintuna war qoraala oo ay soo saareen waxa ay ku sheegteen masuuliyada gantaalaha, iyagoo sheegay inay soo ganeen gantaalo lagu farsameeyey wadanka Iraan.
XS
SM
MD
LG