Isku xirrada

War Deg-Deg ah

RW Saacid oo Codsaday in Xukuumaddiisa la Ansixiyo


Dhinaca kalena, xildhibaanno gaaraya ilaa 30 xildhibaan ayaa codsi u gudbiyey Afhayeenka Baarlamaanka, codsigaas oo ku weydiisteen in xukuumadda la soo dhameystiro ka hor intaan la geyn baarlamaanka.

Xildhibaanadan ayaa sheegay inay kasoo horjeedaan in ay xukuumadda ansixiyaan inta aan lasoo dhameystirin wasiir ku-xigeenadii, iyo wasiiru dawlayaashii.

Dhinaciisa, RW Saacid oo ka qeyb galay dibadbax ka dhacay garoonka ciyaaraha ee Stadium Connis ayaa baarlamaanka ka codsaday in xukuumaddiisa la ansixiyo, si la mid ah sidii madaxweynaha iyo isagaba loo ansixiyey.

Dibadbaxa uu ka qeyb galay ayaa waxa soo qaban qaabiyey Maamulka Gobolka Benaadir.

Wareysi iyo warbixin arrintaas ku saabsan, hoosta ka dhageyso.

please wait

No media source currently available

0:00 0:12:42 0:00
XS
SM
MD
LG