Isku xirrada

Doorashadii Maraykanka oo si Rasmi ah u Bilaabatay


Dadka Maraykanka ayaa maanta isugu soo baxay goobaha codka laga dhiibto ee dalkan Maraykanka iyagoo u codeynaya cidii noqon lahayd madaxweynaha dalka Maraykanka ee afarta sano ee nagu soo aaddan.

Xilka Madaxweynaha oo ay ku tartamayaan Madaxweynaha uu waqtigiisu sii dhamaanayo ee Barack Obama oo matalaya xisbiga Dimuquraadiga iyo Mitt Romney oo ah Musharaxa Xisbiga Jamhuuriga, iyadoo sidoo kale ay xisbiyadu ku tartamayaan kuraasta labada aqal ee Senet-ka iyo Congress-ka.

Dadka maanta doorashada inay codkooda ka dhiibtaan u soo baxay ayaa waxaa ka mid ah Soomaalida ku dhaqan dalkan Maraykanka intooda haysata jinsiyadda wadanka.

Hadaba qaybta hoose waxaad ka dhagaysan kartaan warbixinno ku saabsan doorashada iyo sida ay Soomaalidu codbixinta uga qaybqaadanayso.

XS
SM
MD
LG