Isku xirrada

Qaraxyo Lagu Weeraray Makhaayadda Village


Ugu yaraan 3 qof ayaa dhintay kaddib markii laba qof oo isa soo miidaamiyay ay isku qarxinyeen makhaayadda Village qeybteeda KM4.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa koowaad uu dhacay markii ilaalada makhaayaddu u mid ka mid ah labada nin ee is-qarxiyay uu u diiiday inuu gudaha u galo, halka qaraxa labaadna uu ka dhacay bannaanka makhaayadda.

Dadka dhintay waxay ku jira labadii qaraxa geystay iyo mid kamid ah ilaalada makhaayadda, sidoo kale waxaa jira warar sheegaya in dhimashadu ay 4 qof tahay.

Makhaayaddan waxaa fadhiista oo isticmaalla qaar ka tirsan siyaasiyiinta, saraakiisha dowladda iyo waliba qaar ka tirsan dadka qurbo-joogta ah.

Bishii Semptember ee sannadkan weerar kan la mid ah ayaa lala eegtay makhaayadda Village qeybteeda guriga hooyooyinka waxaa ku dhintay 15 qof oo ay ku jireen 3 weriye.

XS
SM
MD
LG