Isku xirrada

War Deg-Deg ah

New York oo ka Soo Kabaneysa Duufaantii Sandy


Passengers exit a subway train at New York's Times Square station, Nov. 1, 2012.
Passengers exit a subway train at New York's Times Square station, Nov. 1, 2012.

Dhawaq iyo shanqar ay caan ku tahay ayaa dib ugu soo noqday magaalada New York ee dalkan Mareykanka, gaar ahaan qadadka tareenada iyo basaska dadweynaha.

Tareenada dhulka hoostiisa mara iyo basaska dadweynaha ayaa bilaabay shalay adeeg xadidan, ka dib markii afar maalmood ay u xirnaayeen duufaantii Sandy eek u dhufatay magaalada.

Shaqaalaha gargaarka deg degga ah ayaa ku mashquulsan biyo ka saarista jidadka tareenada ee dhulka hoostiisa, dhismooyin iyo meelo ay daadad ku rogmadeen, xilli magaalada ay magaalada ay bilaabeyso inay ka soo kabato dhibaatadii gaartay.

Si looga fogaado zaxmad gaabis gelin karta howlaha gurmadka ee magaalada ka socda ayaa la mamnuucay in jidadka ay adeegsadaan baabuur ay saaranyihiin dad ka yar sadex qofood.

Iskuulada ayaa weli xiran, boqolaal kun oo qofna weli korontadii ayaa ka maqan- taaso dhibaato weyn ku ah Magaalo dad badani ay ku noolyihiin guryo aad u dhaadheer.

New York authorities are warning people against swimming or boating in the city's rivers and bays to avoid polluted water.

Duufaantii Sandy ee ku dhufatay Mareykanka ayaa inta ilaa iyo hadda la ogyahay waxaa ku dhintay ugu yaraan 76 oo Mareykanka ugu dhintay iyo 65 qof oo ku dhintay

Jaziiradaha Bahamas, Cuba, Haiti iyo Jamaica. Qasaaraha maadiga ay geysatayna waxaa lagu qiyaasayaa ilaa iyo 50 bilyan.
XS
SM
MD
LG