Isku xirrada

Obama oo Booqday Meelo ay Duufaantu ku Dhufatay


Madaxweyne Mareykanka Barack Obama ayaa booqday meelo ay duufaantu ku dhufatay gobolka New Jersey, gaar ahaan dhulke xeebta

Madaxweyne Barack Obama ayaa kaalmo u balanqaaday dhibanayaashii ay wax ka soo gaartay duufaantii Sandy ee ku dhufatay xeebaha bari ee Mareykanka.

Madaxweynaha ayaa booqasho ku tagay gobolka New Jersey, oo dadka ku nool ay yihiin kuwa ugu daran ee duunfaantu ay waxyeeleysay, halkaas oo aheyd meeshii ay Barriga Mareykanka ka soo bilaabatay dabeysha.

Waxaa kaloo soo yara kabanaya New York iyo magaalooyin kale oo ay dabeysho aad u waxyeeleysay, inkastoo ay malaayiin qof korontada weli ka maqantahay.

Warbixin ku saabsan halkan hoose ka dhageyso.

XS
SM
MD
LG