Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Taliye Ciidan oo lagu Dilay Beledweyne


Taliyahan oo lagu magacaabo Muumin Maxamed Ildhigte ayaa dhintay kaddib markii ciidan uu watay iyo ciidan kale oo isbaaro dhigtay uu iska hor-imaad dhexmaray.

Iska hor-imaadka ayaa bilowday kaddib markii taliyaha la dilay Muumin Ildhigte uu damcay inuu qaado is-baaro u taalay ciidan kale oo ka tirsan kuwa dowladda, hasse yeeshee ciidanka isbaaradu u taalay ayaa diiday inay isbaarada qaadaan, waxaana bilaabatay is-rasaaseyn dhexmartay labada dhinac

Ciidanka dowladda ee ku sugan Beledweyne ayaa dhowr jeer cabasho ka muujiyay mushahar la'aan haysata.

Taliyahan ayaa noqonaya kii ugu horreeyey ee magaalada ku dhintay tan iyo markii ciidamada dowladda taageersan iyo kuwa Ethiopia ay dhammaadkii sannadkii hore magaaladaasi ka qabsadeen ururka al-Shabaab

please wait

No media source currently available

0:00 0:03:40 0:00
XS
SM
MD
LG