Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Haween ku Dhintay Qarax ka dhacay Kismaayo


Kismaayo
Kismaayo

Ugu yaraan 2 haween ah ayaa dhintay laba kalena way ku dhaawacmeen kaddib markii qarax uu ka dhacay makhaayad u dhow xarunta maamulka degmada ee Kismaayo.

Si too ah looma oga in qaraxan uu khasaare gaarsiiyay saraakiisha iyo xaruntaasi maamulka iyo in-kale, hasse yeeshee dad goob-joogayaal ah ayaaVOA u sheegay in askari ka tirsan ciidamada dowladdu uu isna ku dhintay qaraxaasi .

Yaasiin Nuur Gaas oo ka trisan saraakiisha ciidamada dowladda ayaa qaraxaasi ku eedeeyay dadka taageersan ururka al-Shabab.

Dhinaca kale, hoggaamiyaha ururka al-Shabaab, Axmed Godane ama Abu-Zubayr ayaa cajalad maqal ah oo uu soo diray uga hadlay magaalooyinka laga qabsaday ururka al-Shabaab, isagoo sheegay in ururku al-Shabaab qabsashada Kismaayo laga qabsaday aysan waari dooni oo ay dib ugu rogaalcelin doonaan.
XS
SM
MD
LG