Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Ciidda Ka Hadlay


Madaxweyne Xasan Sheekh
Madaxweyne Xasan Sheekh
Dadka muslimiinta ayaa maanta si weyn ugu ciidaya munaasabada ciidul Adxa, iyadoo dadka oo faraxsan ay isugu soo baxayaan saakay wadooyinka iyo goobaha lagu cibaadeysto.

Magaalooyinka waaweyn ee geeska iyo bariga Africa sida Muqdisho, Hargeysa, Garowe, Djibouti, Gaarisa iyo Nairobi ayaa waxaa salaadda ciida ay dadka ku tukanayaan masaajiddada magaalooyinkaas iyo barxado ay ku oogayaan salaadda .

Dadka Magaalada Muqdisho ayaa si ka duwan sanadkii hore iyagu saakay ciidaya ciidii ugu horeysay ee carafo iyadoo aysan dagaalo iyo iska horimaad hubeysan ka socon, muddo sanado ah .

Magaalada Kismayo oo ah meeshii ugu dambeysay ee laga saaray kooxda Al-shabab ayaa saakay dadku ay markii ugu horeysay ku ciidayaan, iyadoo aysan magaalada Ku sugneyn Al-shabab muddo sadex sanadood ka badan.

Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamud ayaa sheegay inuu rajo ka qabo In magaalooyinka kale ee Somalia, ee weli ku harsan gacanta Al-shabab inay gacanta dowladda ay soo gali doonaan.

Waxuuna Somalida u rajeeyay nabad iyo baraare ay ku gaaraan sanadkan sanadkiisa.
Wareysi ay VOAdu Munaasabadda ciida kala yeelatay madaxweynaha halkan hoose ka dhageyso.

please wait

No media source currently available

0:00 0:05:38 0:00
XS
SM
MD
LG