Isku xirrada

Baarlamaanka oo Ansixiyay Miiisaaniyadda Dowladda


Baarlamaanka

Baarlamaanka

Baarlamaanka Federaalka ee Soomaaliya ayaa maanta Muqdisho ku ansixiyay miisaaniyad dhan 37 Malyuun oo Dollar oo ay dowladdu isticmaali doonto 3-da bilood ee ka hadhsan sannadkan 2012-ka.

Miisaaaniyadda uu baarlamaanku ansixiyeen ayaa gaadhaysa in ka badan 37 Malyuun oo dollar, waxayna isugu jirtaa lacagta ay dowladdu isticmaalayso Octobar ilaa December iyo waliba lacago kale oo dolwadda hore loogu lahaa.

Shariif Maxamed Xasan oo ka tirsan guddi gaar ah oo baarlamaanku u xilsaaray meelmarinta miisaaniyadda ayaa VOA u sheegay in 169 mudane ay codka gacantaaga ku ogolaadeen miisaaniyadda.

Xildhibana Shariif wuxuu sheegay in lacagta miisaaniyadda dowladdu ay ka imanayso dakhliga canshuuraha iyo waliba deeqaha ay dowladdu ka heli doonto dalalka Maraykanka iyo Talyaaniga.

Waa markii ugu horreysay ee baarlamaanka cusub ee Soomaaliya uu ansixiyo miisaaniyad.
Miisaaniyaddan la ansixiyay ayaa waxaa ku jirto gunnooyinka iyo mushaharrada mudanayaasha baarlamaanka oo gaadhaysa 2-kun oo dollar bishiiba sida uu VOA u sheegay xildhibaan Shariif Maxamed Xasan.

XS
SM
MD
LG