Isku xirrada

Ilaa 70 Qof oo Looga Shakiyay al-shabab oo Kismayo Lagu Qabqabtay


Somalia 10_01_2012_111111111111111111

Somalia 10_01_2012_111111111111111111

Ciidamada wadajirka ah ee ku sugan Kismaayo ayaa sheegay inay 48-kii saacadood ee la soo dhaafay ay gudaha Kismaayo ku qabqabteen dad kor u dhaafaya 70 qof oo lagu tuhunsan yahay inay ka tirsan yihiin ururka al-Shabaab.

Afhayeenka ciidamada Kenya Cyrus Oguna ayaa sheegay in dadka la qab-qabtay ay ku jirto haweenay ka mid ah hoggaanka al-Shabaab. C/naasir Seeraar, afhayeenka uruka Raaskaanbooni ayaa isaguna xaqiijiyay in dadka la qabtay ay haween ku jiraan, balse wuxuu ka gaabsaday inuu sheego in mid ka mid ah haweenkaasi ay ka tirsan tahay madaxda Al-shabaab.

Wareysi aan arintaa kala yeelanay C/naasir Seeraar oo ka tirsan saraakiisha ciidamada magaalada ka taliya halkan hoose ka dhageyso.

XS
SM
MD
LG