Isku xirrada

Warbixin: Doodda 3aad ee Obama iyo Romney


Madaxweynaha Maraykanka, Barack Obama iyo ninka ay tartamayaan ee Mitt Romney ayaa caawa isaga hor-imanaya dooddii 3aad ee u danbeysay ee tartanka loogu jiro madaxtinimada Maraykanka. Dooddan ayaa ka dhacaysa Florida.

Dooddan oo ka dhacaysa jaamacadda Lynn, Boca Raton ee gobolka Florida ayaa waxaa laga dooddayaa siyaasadda arrimaha dibedda, waxaana dhex-dhexaadinaya Bob Schieffer oo ka tirsan TV-ga CBS News.

Labadan musharrax ayaa waxay ka dooddi doonaan, weerarkii Benghazi, dilkii Osama, doorka Shiinaha ee dhaqaalaha addunka, dhameynta faragelinta militari ee Maraykanku ka wado Afghanistan, qalalaasha Syria, xiisadda u dhaxeysa Israel iyo Iran ee ku saabsan barnaamijka hubka nuclear-ka iyo waliba xiriirka Maraykanka iyo Ruushka.

C/raxmaan Yabarow oo ka tirsan VOA ayaa diyaariyay warbixin uu ku eegaya waxyaabaha mudnaanta la siin doono doodda caawa.
XS
SM
MD
LG