Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kismaayo oo Gargaar la Geeyey


Kismaayo
Kismaayo

Wafdi ka socda QM ayaa maanta booqdey magaalada Kismaayo iyagoo halkaas geeyey daawo iyo qalab caafimaad

Saraakiil ka socda hay’addaha gar-gaarka ee QM ayaa maanta markii ugu horreysay tagay magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose oo dhawaan laga qabsaday ururka al-Shabaab.
Saraakiishan oo ka socday, hay;adda WHO iyo hay’addo kale oo gar-gaar ayaa la sheegayaa inay magaalada Kismaayo gaadhsiiyay gar-gaar gaaraya 3 tan oo dawooyin ah iyo qalabka qaliinka.
Saraakiisha ayaa booqday cisbitaalka Kismaayo iyo waliba dekedda.
Booqashadan maanta ayaa imanaysa iyadoo magaalada Kismaayo xalay qaraxyo weeraro ah lagu qaaday saldhigyo ay ciidamada Kneya iyo kuwa Soomaalidu ku leeyihiin magaalada, iyadoon la ogeyn khasaaraha ka dhashay weeraradaasi.
Dhinaca kale, degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in ugu yaraan 4 ruux ay dhaawacmeen kaddib markii madaafiic lagu weeraray degmadaasi.
Lama oga cidda weerarkan geysatay, hasse yeeshee mas’uuliyiinta dowladda ee degmada Afmadow ayaa mas’uuliyadda weerarkan dusha ka saaray, ururka al-Shabaab
XS
SM
MD
LG