Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Puntland oo Qabatay Hub laga Dajiyay Qandala


Hub -
Hub -

Ciidanka badda Puntland ayaa hub iyo waxyaabaha qarxa ku qabtay meel u dhow xeebta Qandala. Hubkan ayaa waxaa xalay loo soo gudbiyay dekadda magaalada Boosaaso.

Dekedda magaalada Boosaaso ayaa waxaa xalay fiidnimadii ku soo xiratay dooni ay ciidamada badda Puntland ka soo dejiyeen hubkii ugu bandana oo ka kooban walxaha qarxa iyo hub culus.

Ciidamada ayaa hubkan soo qabtay kaddib markii sida la sheegayaa in si dhuumaaleysi ah looga soo dejiyey xeebaha degmada Qandala ee gobolka Bari.

Wararka ayaa sheegaya in hubkan ay ku jiraan qoryaha baasuukayaasha, miinooyin, dhashiikayaal, rasaas iyo waxyaabaha kale ee la sameeyo walxaha qarxa.

Cabdisamad Gallan, guddoomihaha gobolka Bari ayaa sheegay in hubkan ay wadeen niman ajanabi ah lagana helay deegaan u dhow degmada Qandala.

please wait

No media source currently available

0:00 0:02:50 0:00
XS
SM
MD
LG