Isku xirrada

Falanqeynta Dooddii 2aad ee Obama iyo Romney


Dooddii xalay Mitt Romey ayaa weerararay waxa uu u taaganyahay madaxweyne Obama ama uu soo qabtay intii uu xafiiska hayay, afartii sanadood ee la soo dhaafay, isagoo sheegay inuu laba laabay hoos u dhica dhaqaalaha Mareykanka , gaar ahaan isdhinka qarashaadka dowladda.

Madaxweyne Obama ayaa difaacay – waxa uu u taaganyahay ee uu aaminsanyahay – waxuuna balanqaaday inuu sii wadi doono ka shaqeynta sidii uu u dar dargelin lahaa – soo kabashada dhaqaalaha mareykanka.

Doodaasi ayaa ka dhacday jaamacadda Hofstra University, ee ku dhow magaalada New York,

Dhowr mar intii ay dooda socotay, murashaxiintu waxey bilaabeen inay murmaan gaar ahaan markii ay ka hadlayeen arimaha saliidda

Ra’yi ururin dhowr ah oo laga dhex sameeyay shacabka mareykanka dooda ka dib ayaa muujiyay in madaxweynaha uu ku guuleystay doodii xalay.

Warbixin Falanqeyn ah oo aad doodda dulucdeeda iyo sida ay u dhacday aad kaga boganeysaan, waxaa inoo diyaariyay madaxa laanta Afka Somalia ee VOA Cabdiraxman Yabarow.
Halkan hoose ka dhageyso.

XS
SM
MD
LG