Isku xirrada

Zuma waa Guddoomiyaha Cusub ee Afrika


Guddoomiyaha cusub ee ururka Midowga Afrika, Dlamini Zuma ayaa maanta xaflad ka dhacday Addis Ababa waxaa loogu dhaariyay xilka guddoomiyaha iyadoo xilkaasi kala wareegtay Jean Ping, guddoomiyihii hore ee ururka.

Madame Zuma ayaa noqonaysa haweenaydii ugu horreysay ee xilkan qabata, waxaana hor-yaalla dhibaatooyin badan oo ka jira qaarada kuwaasoo u baahan in xal loo helo, sida halista ka imanaysa Islaamiyiinta dalka Mali iyo waliba jabhaddaha ka dagaallamaya Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ee Cong.

Zuma waxay ahayd, wasiirka arrimaha gudaha ee Koonfur Afrika, iyo waliba xaaskii madaxweynaha Koonfurt Afrika Jacob Zuma.

Wareysi aan La wareegista Xafiska Madaxtinimada Midowga Africa ee Mrs. Zuma kala yeelanay Dr. Muha Farax Jire halkan hoose ka dhageyso.






XS
SM
MD
LG