Isku xirrada

AU :Cunaqabateynta Hubka Somalia Ha Laga Qaado

  • Mohamed Olad

Ururka Midowga Africa ayaa soo nooleeyay dadaalkii uu ugu jiray in Somalia laga qaado cunaqabateynta Qaramada Midoobay ee saaran, si ciidamada Midowga Africa ee nabad ilaalinta u jooga Somalia ay u helaan hubka ay u baahanyihiin.

Ururku wuxuu sidoo kale ku booriyay Qaramada Midoobay inay ogolaadaan in awood dheeri la geliyo ciidamada Amisom ee Somalia ka howlgala.

Hadalakan ayaa lagu sheegay war murtiyeed uu soo saaray Midowga Africa ka dib kulankoodii 337aad ee ay ku yesheen Magaalada Adis Ababa Maalintii qamiista ee la soo dhaafay.

Golaha Nabadda iyo Amaanka ee Midowga Africa ayaa sheegay in ka qaadista cuna qabateynta hubka ee Saaran Somalia iyo xoojinta Ciidamada nabad ilaalinta u jooga Somalia inay yihiin

Sidoo kale war murtiyeedka midowga Africa waxuu ku baaqay in la qaado cuna qabateynta laga qaado ciidamada dowladda Somalia, hase yeeshee xayiraadda hubka ay sii saaraato dhinacyada aan dowliga aheyn, si looga fogaado xaaladda xasilooni dari ee Somalia oo ka sii darta.

Ururku waxuu sheegay in ciidamada kenya ee qeybta ka ah Amison ay amaan u soo jeediyay kartida iyo kaalintii ay ka qaateen dagaalkii dhawaan Al-shabab looga saaray magaalada Kismayo.

Wasiirka xukumadda waqtiga ka sii dhamaanayo ee Somalia ayaa VOAdu weydiisay sida uu u arko codsiga AU.

XS
SM
MD
LG