Isku xirrada

Turkiga oo Canbaareeyey Waxqabad La,aanta QM ee Syria


Turkiga ayaa ku eedeysey in QM ay ka gaabisey xal u helida arrimaha Syria, taasoo keeneysa in dhibaatada maamulka Assad uu ku hayo shacabka ay sii kororto

Ra’iisul Wasaaraha Turkiga ayaa weerarey wax ka qabasha la,aanta QM ee arrimaha Syria.
Ra’iisul wasaare Tayyip Erdogan ayaa ka sheegey Istanbul in QM ay maalin walba ku sii adkaaneyso sidii ay u gudan laheyd waajibaadjkeeda si waqtiyeysan oo waliba dhex dhexaadnimo iyo jiritaan dhab ah.
Mr. Ordogan ayaa sheegey in hadii Syria looga tago hal ama laba wadan oo ka mida golaha joogtada ah ee QM ay xaalada Syriy ay noqoneyso mid aad qatar u ah oo ay bani,aadanimadu qori doonto xasuuso aan la hilmaami Karin.
Dhanka kalena ergeyga caalamiga ah ee nabada Syria Lakhdar Ibrahimi ayaa gaarey magalaada Istanbul ee dalka Turkiga maanta isagoo kala hadlaayey dowlada Turkiga xiisada sii kordheysa ee u dhaxeysa Syria iyo Turkey.
XS
SM
MD
LG