Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wararka Balli-doogle Iyo Qarax Kismayo Ka dhacay



Ciidamada Dowladda Soomaliyo oo ay weheliyan kuwa AMISOM ayaa maalintii saddexaad ku sugan degmada Wanleweyn ee gobolka Shabeelaha hoose, iyagoo saldhig ka sameysatay garoonka Balli-doogle ee degmadaasi.

Degmada Wanlewyen ayaa waxaa horey ugu sugnaa xoogagga al-Shabab kuwaasoo sida la sheegay isaga baxay degaanka markii ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay soo galeen.

Wareysi aan arintaasi kala yeelanay General C/kariin Yuusuf “Dhega badan” oo ka mid ah saraakiisha dowladda ee halkaa ku suggan halka hoose ee qoraakan ka dhageyso.

please wait

No media source currently available

0:00 0:04:57 0:00


Dhinaca kale hal qof oo rayid ah ayaa ku dhintay bam gacmeed lagu tuuray goob maqaayad ah oo ku taala magaalada Kismayo, laba kalena waa ku dhaawacmeen rasaas ay ciidamadu fureen.

Sidoo kale howgal ay ka sameeyeen magaalada ayaa ciidamada huwanta ah ay ku soo qabteen hub isugu jiray, bam gacmeedyo, miinooyin iyo saanad milatari oo kale.
Wareysi aan arintaasi kala yeelanay afhayeenka ururka Raaskambooni oo qeyb ka ah ciidamada ku sugan magaalada Cabdinaasir Seeraar halka hoose ka dhageyso.

please wait

No media source currently available

0:00 0:06:08 0:00
XS
SM
MD
LG