Isku xirrada

War Deg-Deg ah

al-Shabab oo Mamnuucday Hay'ad Samafal Islaami ah


Alshabab
Alshabab
Ururka al-Shabaab ayaa deegaannada uu ka taliyo ka mamnuuncay hay’adda samafalka ee Islamic Relief ee saldhigeedu yahay UK.

al-Shabaab waxay ku eedeeysay hay’addan inay jabiysay sharciyo ay u dajisay hay’addaha samafalka ee ka howlgalla dhulka ay ka taliso, sidaasi darteedna la eryi doono lagala noqday rusqadii ay uga shaqeynaysay dhulka ay al-Shabab ka taliso

Qoraal al-Shabab ay soo dhigtay barta twitter-ka ayaa lagu sheegay in hay’adda Islamic Releif lagu helay in si qarsoodi ah ugu shaqeynaysay hay;addaha samafalka ee horey looga mamnuucay deegaannada al-Shabab ka taliso, sida WFP.

Iftikhar Ahmed Shaheen, oo ah agaasime hay'adda Islamic Relief ee gobolka ayaa wakaaladda Reuters u sheegay in hadalka ka soo yeeray al-Shabab uu yahay calamaad weyn oo muujinaysa in ay halis ku jiraan howlaha gargaar ee lagu caawinayo in kabadan hal malyuun oo qof oo Soomaali ah oo kunool, Bay, Bakool, Gedo, iyo Jubbada Hoose.

Mr. Shaheen wuxu sheegay inuusan la socon barnaamijyo ay hay'addu fuliso oo maalgelin ka hela WFP, wuxuuna dhinaca kale sheegay inay isku dayi doonaan inay la xiriiri al-Shabab si ay si fiican ugu sharxaan siyaasaddaha hay'addooda.
XS
SM
MD
LG