Isku xirrada

Afgooye: Qarax lala Beegsaday Ciidamada dowladda


Qaraxan ayaa dhacay kaddib markii qof waxyaabaha qarxa sitaa uu galay bartaasi koontarool oo ku taalla goobta lagu magacaabo Baar Ismaaciil.

Goob-joogayaal ayaa VOA u sheegay in ugu yaraan 3 askari ay qaraxaasi ku dhinteen, hasse yeeshee Gudoomiye kuxigeenka Amniga iyo siyaasada ee degmada Afgooye Mahdi Ahmed ayaa VOA u sheegay in qaraxasi uusan geysanin wax qasaara ah balse uu halkaasi ku geeriyoodey oo kaliya ruuxii isa soo miidaamiyey.

Magaalada Baydhaba ee gobolka Bay-na, waxaa xalay weerar bam gacmeed lagu qaaday hoyga uu deganyahay Maxamuud Max’ed Isaaq oo ah sarkaal Soomaali ah oo ka tirsan hay’adda USAID .

Wararka ayaa sheegaya sheegay inuu dhaawac kasoo gaarey sarkaalkaasi. Ilaa hadda ma jirto cid sheegatay weerarkaasi.
XS
SM
MD
LG