Isku xirrada

Faaqidaadda: Xal u Helidda Arrimaha Kismaayo


Barnaamijka Faaqidaaddu wuxuu ku saabsan yahay arrimaha Kismaayo iyo sida maamul loogu sameyn karo. Xubnaha ka qeybgalaya waxaa ku jira Faarax Macalin G/K/X Baarlamaanka Kenya.

Faaqidaadda Toddobaadka waxaan ku eegaynaa xaaladda Kismaayo oo ah magaalo ay dhawaan la wareegeen ciidamada wadajirka ah ee Kenya iyo Soomaaliya kaddib markii ururka al-Shabaab uu isaga baxay magaalada.

Haddaba barnaamijkan waxaa lagu falanqeynayaa aayaha Kismaayo iyo sida maamul loogu sameyn karo magaalada.

Barnaamijkan waxaad qeybtiisa hore ku maqleysaan wareysiga Prof. Ken Menkhaus oo dhawaan qoray maqaal uu ciwaan uga dhigay "Kismaayo waa Sarayevadii Soomaaliya."

Qeybta Doodda ee barnaamijkana waxaa ka qeybgalay;

Faarax Macalin, G/kuxigeenka baarlamaanka Kenya
Cabdiqaadir Sheekh Maxamed Luga-Dheere, siyaasiyiinta ka soo jeeda Jubbooyinka
Maxae Xaashi Cigaal, Madaxa Xisbiga Dowlad-Qaran oo ku sugan London.


XS
SM
MD
LG