Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kismaayo oo Xasilloon iyo Dad Magaalada lagu Dilay


Ciidanka Kenya ee Kismaayo Galay
Ciidanka Kenya ee Kismaayo Galay
Kismaayo ayaa degan caawa saacaddo kaddib markii ururka al-Shabaab uu magaalada ka baxay. Ma jirto maamul si rasmi ah oo magaalada imika ka jira.

Ciidamada huwanta ah ayaa ku sugan duleedka magaalada, waxaana abaanduullaha ciidamada dowladda Soomaaliya uu sheegay in ciidamada huwantu aysan galin karin magaaalada ilaa amar danbe. Abaaduulle C/kariin Yusuf Dhagyo-Badan wuxuu sheegay inay jiraan sababo ciidamada ka hor-istaagaya inay magaalada gudaha u galaan oo ay ku jirto miinooyin magaalada lagu aasay.

Dadka magaalada dagan qaarkood ayaa bililiqeystay xarumihii iyo xafiisyadii ay magaalada ka daganaayeen ururka al-Shabaab.

Kooxo hubeysan ayaa magaalada ku dilay ugu yaraan 4 qof oo u ku jiro oday si weyn looga yaqaano magaalada, lama cidda ay kooxahan ka tirsan yihiin.

Ururka al-Shabaaab ayaa sheegay in 5 sanno kadib uu magaalada ka baxay isla markaana uu xiray xafiisyadii uu magaalada ku lahaa.

Maleeshiyada al-Shabaab ee ka baxay magaalda ayaa gaaray deegaanno u dhow Jilib, iyadoo wararka qaarkoodna ay sheegayaan inay gaareen meel u dhow degmada Baraawe.

C/raxmaan Janaqow oo dowladdii KMG wasiir ka soo noqday sidoo kalena ka tirsanaa kooxaha Islaamiyiinta Soomaaliya ayaa sheegay in kabixista al-Shabaab ee Kismaayo ay tahay dhaawac weyn oo soo gaaray ururka Al-Shabaab.

please wait

No media source currently available

0:00 0:02:31 0:00

please wait

No media source currently available

0:00 0:06:13 0:00
XS
SM
MD
LG