Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Al-Shabab oo Xalay ka Baxday Magaalada Kismayo


Kismaayo
Kismaayo
Wararka ka imaanaya magaalada Kismayo ee Xarunta gobolka Jubadda hoose ayaa sheegaya in xalay saqdii dhexe ay magaalada isaga baxeen maleeshiyaadkii kooxda Al-shabab.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in dadka magaalada ay saakay ku soo tooseen, xarumihii al-shabab ee magaalada oo maran.

Ciidamada al-shabab ayaa isku urursaday saldhigga booliska ee Magaalada iyo warshadda hilibka ka hor inta aysan ka bixin magaalada.

Ciidamada Kenya ayaa shalay duulaan ku qaaday Magaalada Kismayo, iyagoo isku dayaya inay magaalada ka saaraan kooxda al-Shabab, oo magaalada ay u aheyd magaaladii ugu weyneyd ee ugu dambeysay ee gacantooda ku hartay.

Miltariga Kenya ayaa sheegay in weerarka ay ku qaadeen Kismayo uu isugu jiro, Badda, cirka iyo dhulka, isla markaana ay gacan ka geysanayaan Midowga Africa iyo ciidamada Dowladda Somalia.

Ka bixitaanka kooxda al-Shabab ee Kismayo ayaa imanaya ka dib markii shalay ay wacan ku mareen inay difaacayaan magaalada oo maleeshiyaadka kooxdana la arkayay iyagoo qoryo ku xiranaya guryaha dhaadheer ee magaalada.

Ciidamada Kenya ayaa galay Somalia sanadkii la soo dhaafay, iyagoo ka jawaabayay weeraro isdaba joog ah oo shaqaale gargaar iyo dalxiisayaal ajnabi ah loogu geystay gudaha kenya, weeraradaasi oo ay ku eedeysay kooxda al-Shabab.
XS
SM
MD
LG