Isku xirrada

QM: Shirka Gaar ah ee Arimaha Somalia


Magaalada New York waxaa maanta lagu qabanayaa shir gaar ah oo looga hadlayay arimaha Somalia, waxaana shirkaasi gudoominaya Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon.

Shirkan ayaa diirada lagu saarayaa arrimaha Soomaaliyia iyo waliba isbeddallada dhacay iyo sidii ay beesha caalamku taageerro uga geysan lahay. Shirkan waxaa ka qeybgalaya wakiillo iyo madax ka kala socota dalalka daneeya arrimaha Soomaaliya.

Cabdiwali Maxamed Cali R/W Soomaaliya oo shirkan ka qeybalaya ayaa VOA-da uga warammay shirka galabta iyo waliba kulan uu la qaatay shalay XHGQM, Ban Ki Moon.

Wareysi aan la yeelanay Ra’isul Wasaare Gaas halkan hoose ka dhageyso.
XS
SM
MD
LG