Isku xirrada

Ban ki-moon oo La Kulmay RW: Cabdiwali Gaas



Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban ki-moon iyo Ra’isul Wasaaraha xilka ka sii degaya ee Somalia Cabdiwali Maxamed Cali ayaa ka wada hadlay arimaha Somalia

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban ki-moon ayaa ugu hambalyeeyay Ra’isul Wasaare Cabdiwali, horumarka siyaasadeed ee Somalia, iyo ka gudbidda waqtigii ku meel gaarka ahaa.

Xoghayaha Guud iyo Ra’isul Wasaaraha Somalia waxey ka wada hadleen oo kale horumarada dhinaca siyaasadda iyo amaanka ah ee Somalia ka jira iyo baahidda loo qabo taageerista qorshaha xasilinta iyo dhismaha hay’adaha dowladda ee Somalia bilaha soo socda.

Waxey sidoo kale ka wada hadleen, sidii ay Qaramada Midoobay u sii wadi laheyd taageerada ay u fidiyaan Somalia, oo ay ku jiraan bixinta qarashaadka ku baxa dhismaha nabadda, arimaha xuquuqul insaanka iyo isweydaarsiga aragtiyada la xiriira arimaha burcad badeedda.
XS
SM
MD
LG