Isku xirrada

Somalida Degan Agagaarka Washington DC oo Taageeray Isbedelka Somalia


Iyadoo ay meelo badan oo dunida ah ka sii socdaan xafladaha Somalida
qurba joogta ah ay ku muujinayaan dareenkooda rajo wanaag ee la xirira

isbedelka siyaasadeed iyo nabadgelyo ee Somalia,ayaa xalay xaflad balaraan waxaa isugu yimid Somalida ku nool Magaaladan Washinton iyo agagaaraheeda, si ey ugu taageeraan hogaanka cusub ee Somalia.

Xaflada ayaa lagu furay ayaado qur’aan ah muxaadaro diini ah iyo heesta astaanka Qaranka somaliyeed, waxaana lagu taageerayay, isbedelka siyaasadeed ee Somalia, Baarlamanka cusub iyo Madaxweynaha la doortay Xassan Sheikh Maxamud.

Somalida ka qeybgaleysay xafladda ayaa ka kala timid, Magaalada Washington iyo Gobolada Virginia iyo Maryland ee ku dhow dhow ee la isku yirahdo DC Metro-politan area, waxaana ka muuqday dareen dal tabyo iyo sida Arimaha dalkooda hooyo ee Somalia ka socda ay mar walba saameyn ugu leedahay noloshooda.

Warbixin ku saabsan kulankaasi xalay halkan hoose ka dhageyso.

XS
SM
MD
LG