Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kooxda Ansar al-Shariica oo Laga Saaray Magaalada Benghazi


Dad dibadbaxayay ayaa magaalada Benghazi waxay xoog ku galay kaddibna qabsaday saldhig ay magaaladaasi ku leeyihiin koox Islaamiyiin oo lagu magacaabo Ansar al- Shariica. Ugu yaraan 2 qof ayaa ku dhintay rabshadahaasi.

Qabsashada saldhiga maleeshiyadan iyo saldhigyo kale oo ay leeyihiin kooxo Islaamiyiin ah ayaa timid kadib markii kumanaan Libyan ah ay ku mudaharaadeen magaaladaasi maalintii Jimcaha ee shalay, iyagoo codsanaya in la kala diro kooxahan hubeysan ee Islaamiyiinta ah

Kooxda Ansar al-Shariica ahaa lagu xiriiriyay weerarkii ay ku dhinteen 4 Maraykan ah oo uu ku jiro safiirkii Maraykanka ee Libya kaasi oo toddobaadkii hore ka dhacay qunsuliyadda Maraykanka ee magaalada Benghazi.

Dadka Benghazi ayaa wixii shilkaasi ka danbeeyey dowladda ka dalbanayay in hubka laga dhigo dhamaan kooxaha hubeysan isla markaana la dhiso cidamada booliska iyo amniga si ay ula wareegaan amniga gobollada dalka..

XS
SM
MD
LG