Isku xirrada

Xulka K. Cagta ee Somalia oo ka Badiyey Xulka Sudan


Xulka Kubada Cagta dalka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa Jimcihii shalay xulka Sudan ku reebay wareega hore ee isreebreebka cayaaraha dhalinyarada Qaarada Africa, kaddib cayaar aad u adkeyd oo ka dhacday magaalada Khartoum.
Qeybtii hore ee cayaarta ayaa ku dhamaatay 0-0, inkastoo xaga weerarka iyo farsamada ciyaartoyda Soomaalidu ay ku wanaagsanaayeen.

Macalinka Xulka Qaranka Maxamed Cabdulle Farayare oo ka hadlayay shir jaraa’id dhamaadkii cayaarta kaddib ayaa sheegay in markii qeybta hore dhamaatay uu sameeyay is badal weyn oo dhanka weerarka ah taasina ay keentay in Soomaaliya ay gool hesho daqiiqadii 78-aad, waxaana goolkaasi u saxiixay cayaaryahan Maxamuud Cabdi Nuur oo loo yaqaano Meman.

Soomaaliya waxay u gudbtay wareega labaad ee cayaaraha dhallinyarada Africa waxaana lugta hore ay 12-ka bisha soo socota ee October magaalada Khartoum kula ciyaari doontaa dalka Algeria, halka lugta labaadna ay ka dhici doonto magaalada Algeris 26-ka isla bisha October.
XS
SM
MD
LG