Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Nigeria: Afhayeenka Kooxda Boko Xaram oo la Dilay


Nigeria ayaa sheegtay in ciidankoodu ay dileen nin looga shakisan yahay inuu yahay afhayeenka kooxda Islaamiga ah ee Boko Xaram.

Ciidamada ayaa la sheegay in sidoo kale qabteen laba sarkaal oo ka tirsan kooxda Boko Haram

Askari ka qeybqaatay howgal ay ciidamadu maanta oo Isniin ka fuliyee waqooyiga dalka ayaa VOA u sheegay in ciidamadu iyagoo raacaya xog ama macluumaad la siiyay ay bar koontarool ku joojiyeen baabuur siday ninka afhayeenka kooxda oo magac ahaan isticmaala Alias Abul Qaqa, laakiin ma jirto xaqiijin rasmi ah oo la xiriirtay dilka ninkan.

Bishii Maarso, mas'uuliyiinta Nigeria ayaa sheegtay inay qabteen, Abul Qaqa, laakiin waxaa soo baxday in qofka ay qabteen uu ahaa xubin kale oo ka tirsan kooxda Boko Xaram.

Kooxdan Boko Xaram ayaa lagu eedeeyayn dhimashada in kabadan 1, 400 oo qof kuwaasoo lagu dilay gobollada bartamaha iyo waqooyiga dalka Nigeira.
XS
SM
MD
LG