Isku xirrada

Waa Sidee Xaaladda Magaalada Kismaayo?


Kismaayo

Kismaayo

Wararka ka imanaya Kismaayo ayaa sheegaya in xaaladdu ay aad u kacsan tahay, iyadoo dadka qaarkood ay bilaabeen inay ka qaxaan magaalada.
Waxaa xiran goobaha ganacsiga qaarkood iyo goobaha waxbarashada.
Saldhiga magaalada iyo waliba meelaha laga soo galo magaalada waxaa lagu arkayaa gawaarida dagaalka ee ay leeyihiin ururka al-Shabaab.
Saaka waabarigii waxaa dagaal xooggan uu ka dhacay Janaa Cabdalle oo 70 km magaalada Kismayao u jirta.
Saraakiisha ciidamada Soomaalida iyo kuwa Kenya ee wada socda ayaa VOA u sheegay inay ku sugan yihiin meel 60km u jirta Kismaayo, waxayna sheegeen inay filayaan in sida ugu dhakhsiyaha badan ay ugu dhaqaaqaan dhinaca magaalada Kismaayo.
XS
SM
MD
LG