Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Booliska Nairobi oo Qabtay Soomali iyo Hub


Booliska magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa qabtay qalabka hub, rasaas iyo suumanka la isku qarxiyo iyagoo sidoo kale xiray laba nin oo Soomaali ah oo lagu eedeeyay inay qorsheynayaa inay hubkaasi ku isticmaallaan weerarro argagixiso.

Moses Ombati, kuxigeenka madaxa Booliska ee Nairobi ayaa sheegay maanta oo Jimce ah in qalabka iyo labadan qofba laga qabtay howlgal ay ciidamada amnigu xalaya ka sameeyeen guri ku yaalla xaafadda ay Soomaaliu daggan tahay ee Eastleigh.

Booliska ayaa sheegay inay qabteen 6 suun ama jaakadaha la isku qarxiyo, 4 qoryaha AK47, rasaas iyo dhowr bambooyin ah oo ay ururka al-Shabaab ku isticmaali lahaayeen sida ay boolisku sheegeen weerar argagixiso ah "oo aad u weyn"

Ururka al-Shabaab ee Soomaaliya ayaa sheegtay dhowr weeraryo qaraxyo ah oo ka dhacay dalka Kenya tan iyo markii Kenya ay ciidamo u dirtay Soomaaliya si ay uga adkaadaan ururka al-Shabaab ee al-Qaacida ku xiran.

XS
SM
MD
LG