Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Safaaradda Maraykanka ee Sanca oo la Weeraray


Boqolaal dad ah oo ka cadhaysan filim lagu aflagaadeynayo Islaamka iyo Nabi Maxamed NNKH ayaa maanta xoog ku galay safaaradda Maraykanka ee Sanca dalka Yemen,

Dadkan ayaa gubay oo dab qabadsiiyay baabuurta safaarada. Ciidamada amniga ayaa isticmaalay tuubooyinka biyaha iyo rasaas ay cirka u rideen si ay u kala eryaan dadkan xoogga ku galay safaaradda. Ilaa tiro dad ah ayaa lagu so warramayaa inay ku dhawacmeen shilkan.
Weerarkan ayaa daba socota dibadbaxyo kale oo xiriir ah oo looga soo horjeedo filimka Maraykanka lagu sameeyay kuwaasoo ka dhacaya Masar iyo Libya. Safiirkii Maraykanka ee Libya ayaa lagu dilay Benghazi isaga iyo saddex shaqaalaha safaaradda ka tirsan kaddib markii dad caraysan ay weerar ku qaadeen qunsuliyadda Maraykanku ku leeyahay magaaladaasi.
XS
SM
MD
LG