Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Britain Oo Soo Dhaweysay Doorashada Madaxweynaha Somalia


Britain oo Qabanaysa Shir ku Saabsan Soomaaliya
Britain oo Qabanaysa Shir ku Saabsan Soomaaliya
Dowladda Britain ayaa soo dhaweysay doorashadii shalay ka dhacday magaalada Muqdisho ee madaxweynaha cusub lagu doortay, waxeyna sheegtay inay taageeri doonto Somalia sidii ay ah u heli laheyd dowlad loo dhanyahay oo nabad iyo barwaaqo ay ku gaaraan.

Warkan oo ka soo baxay xafiiska Ra’isul Wasaaraha Britain David Camerun ayaa lagu sheegay in doorashadu ay aheyd talaabo muhim ah oo ay Somalia u qaaday dhinaca wanaagsan,

Waxaana Ra’isul Wasaare Camerun uu ugu hambalyeeyay Madaxweynaha Cusub Xassan Sheikh Mohamud guushii uu gaaray.

Waxaa kaloo uu ku amaanay madaxweynihii hore Sharif Sheikh Axmed kaalintii uu ka soo qaatay in Somalia uu soo gaarsiiyo maalintan oo kale oo wax waliba ay si nabad ah ku dhaceen baa lagu yiri warka ka soo baxay xafiiska Ra’isul Wasaaraha Britain David Cameron.

War saxaafadeedka waxaa lagu yiri bilaha iyo sanadaha soo socda waa kuwo ahmiyad gaar ah ugu fadhiya geediga Somalia ee dhinaca Dimuquraadiyadda.

Hogaamiyeyaasha Somalida waa in hadda ay si wada jir ah uga shaqeeyaan dhismaha dowlad dadkoo dhan matasha iyo hanaan dowladeed oo si cad u shaqeeya oo la dagaalama musuq maasuqa, isla markaana xoojiya amaanka iyo xasiloonida, ayaa lagu sheegay war saxaafadeedka.

Ugu dambeynti, Britian waxey sheegtay in Shirkii London ee dhinacyada Siyaasadda Somalida ee bishii February inuu yahay mid isu keenay taageerada caalamiga ah ee ku wajahan geedi socodka siyaasadda Somalia.
XS
SM
MD
LG