Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mahiga:Doorashadu Waxey Aheyd Mid Xalaal Ah


Qaramada Midoobay ayaa soo dhaweysay doorashadii shalay ka dhacday Magaalada Muqdisho ee lagu doortay Madaxweyne Cusub.

War ka soo baxay xafiiska Qaramada Midoobay ee magaalada Muqdisho ayaa lagu sheegay in Somalia horey u qaaday talaabo weyn oo ku wajahan dhinaca nabadda iyo barwaaqada.

War saxaafadeedka waxaa lagu yiri maanta xubnaha Baarlamanka Soomaalieed oo ay ka muuqatay degenaansho, sharaf iyo go’aan qaadasho ayaa soo afmeeray xilligii ku meelgaarnimada ee Somalia, iyagoo u doortay Xassan Sheikh Maxamud inuu noqdo madaxweynaha soo socda ee Somalia.

Hanaankii doorashada ay ku dhacday waxey aheyd mid loo dhamaa oo ay Somalidu lahaayeen. Inkastoo laba wareeg oo codeyn ah la sameeyay oo si muuqata oo dunida oo dhan ay arkeysay u dhacday, hanaanka ay ku socotayna waxuu ahaa mid nabadgelyo, nidaamka la dhowrayay oo asaasiyanna si dimuquraadi ah u dhacay.
Somalia waxey rabitaankeeda u cadeysay kuwii shakiga qaldan ka qabay waxayna fariin xooggan oo horumar u diray Africa oo dhan iyo dabcan dunida oo dhan.

Warsaxaafadeedka waxaa lagu yiri dariiqa halkan lagu soo gaaray waxa uu ahaa mid dhib badan oo dheer, muddo sanad ka hor ahna hanaanka nabadda Somalia waxuu ahaa mid ismari waa uu ka taagnaa.

Curyaamin lagu hayay hay’adaha dowladda ayaa qatar ku hayay inuu bur buriyo oo uu laba u qeybiyo dowladdii Federaaliga ku meel gaarka aheyd, waxii markaa ka dambeeyay hanaanku waxuu ku socday si gaabis ah.

Warsaxaafadeedka waxaa lagu yiri maanta waxaa la muujiyay dimuquraadiyad tii ugu wanaagsaneyd ee Somalia ka dhacda muddo 40 sanadood ah, natiijaduna waxey noqotay in Somalia ay leedahay Baarlaman cusub, oo ay gole qaran soo doorteen, golahaas oo laftirkiisu ku yimid xulshada odayaasha dhaqanka ee kala duwan.

Waxaa maanta Somalia ay doortay madaxweyne cusub oo afarta sano ee soo socota hogaamin doona, hanaankii ku meel gaarka ahaana wuu soo idlaaday.
Somalia waa in hadda ay xoogga saartaa degenaanshaha, dib u heshiisiinta iyo dhismaha hay’ado dowladeed oo haboon oo lala xisaabtami karo iyo maamul siin kara dadkiisa adeegyada ay u baahida qabaan.
Dhinaca kale Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Somalia Augustine Mahiga ayaa ka hadlay doorashada.

Waxa uu yiri waxaan salaan u direynaa dhamaan murashixiintii ka qeybgalay
doorashada inagoo aan eegeyn natiijada ka soo baxday, waxaana ugu yeerayaa kuwa ku guuleystay inay yihiin dad u qalmay guusha, kuwa laga guuleystayna waxaan ugu yeerayaa kuwo si sharaf leh ku aqbalay.

Waxaana ka rajeynayaa in dhamaan ay Somalia ku hogaamiyaan dhinaca wanaagsan. Somalidu hadda waa inay wada heshiiyaan, si ey u horumariyaan wadankooda loogana faa’ideysta waqtigan muhimka ee taarikhiga ah.

Waxa uu yiri rajo iyo waa cusub ayaa u bidhaantay Somalia, waxaana hambalyo u dirayaa Somalia meel kasta oo ay joogaan.

Mahiga oo ka hadlayay waxa uu ka yaqaan madaxweynaha cusub ayaa yiri
“Dhabtii anigu qof ahaan aad uma aqoon, marka laga reebo in aan magaciisa ku dhex arkay liiska murashixiinta , shaqsi ahaan isuma aqoon laakiin aniga waxaan aqoon u lahaa shaqadii uu bulshadiisa ka dhex hayay iyo Somalia”

Mahiga ayaa la yaab ka muujiyay sida doorashadu ay u dhacday ee loo soo doortay hogaamiyaha cusub isagoo yiri

“Waxey aheyd wax aad qeyrul caadi u ah, iyadoo ay jiraan cadaadisyo intaa la eg, iyadoo ay jireen fursadihii ay heysteen madaxdii kursiga difaacanaysay hadana doorashada ay ka helaan natiijo aad u liidata. Dhabtii waxey aheyd guul muuqata oo uu gaaray hogaamiyaha cusub, waxeyna ila tahay inay tahay waxa isbedelka keenay rabitaanka shacabka isbedel doonka ah”

Mahiga ayaa ugu dambeytii sheegay inay aad ugu kalsoonyihiin in xaaladda amaanka ay sideedii sii ahaato, maadaama ay jireen qorshooyin horey loo soo dejiyay oo damaanad qaadayay amaanka xilligan kala guurka oo ku soo socday si hab sami ah. Waxaana aad ugu rajo weynahay buu yiri in wax dhibaato ah aysan dhici doonin”
XS
SM
MD
LG