Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xasan Sheekh oo loo Doortay Madaxweyne


Madaxweyne Xasan Sheekh
Madaxweyne Xasan Sheekh
Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta madaxweynaha cusub ee Soomaaliya u doortay Musharraxa Xasan Sheekh Maxamuud, kaddib markii uu tartanka madaxweynenimada kaga guulestay Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Ladaban musharrax ayaa isugu soo baxay wareegii u danbeeyay ee doorashada, wuxuuna Xasan Sheekh Axmed helay 190 cod, halka Sheekh Shariif Sheekh Axmed uu helay 79 cod.
Doorashada oo ay coddeeyeen baarlamaanka cusub ee Soomaaliya ayaa noqaysa tii ugu horreysay ee lagu qabto gudaha Soomaaliya muddo 20 sanno ka badan.

Madaxweynaha xilka ka dagaya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa doorashada kaddib wuxuu u hambalyeeyey madaxweyne cusub, wuxuuna sheegay inuu aqbalay natiijada isla markaana uu la shaqeyn doono madaxweynaha cusub.
Dhinaca kale, madaxweynaha cusub Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay doorashada la doortay, wuxuuna u mahadceliyay dhammaan xildhibaannadii u coddeeyey. Madaxweyne Xasan wuxuu u mahadceliyay isla markaana ammaanay madaxweynaha xilka ka sii dagaya ee Sheekh Shariiif Sheekh Axmed oo uu ku tilmaamay inuu sameeyay horumar weyn oo keentay in maanta doorasho ka dhacdo Muqdisho.
Madaxweynaha Cusub ayaa isla maanta loo dhaariyay xilka madaxtinimada. Guddoomiyaha maxkamadda sare Caydiid Cabdullahi Ilkaxanaf ayaa dhaariyay madaxweynaha cusub.
XS
SM
MD
LG