Isku xirrada

War Deg-Deg ah

8 Musharrax Oo ilaa Hadda Soo Buuxiyay Shuruudihii


Doorasho
Doorasho
Gudiga Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ayaa maanta sheegay in 8 musharax oo kaliya ay ilaa iminka buuxiyeen shuruudaha codsiga madaxweynenimo.

Musharixiinta ayaa ka mid ah 37 murashax oo Guddiga doorashada ka qaatay foomamka codsiga.

Madaxweynaha Somalia Shariif Sheikh Axmed iyo Ra'isul Wasaare Gaas ayaa ka mid ah ragga soo buuxiyay shuruudaha.

Afhayeenka guddiga ayaa VOA u sheegay in xubnaha kalena la filayo inay soo buuxiyaan shuruudaha, iyadoo arji-qabashadu ay ku eg tahay maalinta barri ah.
XS
SM
MD
LG