Isku xirrada

Kismaayo oo Duqeyn loo Geystay


Diyaaradaha Kenya oo Mar kale Duqeeyay Gedo

Diyaaradaha Kenya oo Mar kale Duqeeyay Gedo

Markab aan haybtiisa la aqoon ayaa maanta duqeeyay magaalada Kismaya.
Wararka ayaa sheegaya in ilaa 3 gantaal lagu tuurey dekedda magaalada, lamana oga khasaare ay duqeyntaasi geysatay.
Dhinaca kale, ururka Al-Shabaab ayaa maanta magaalada Kismaayo kusoo bandhigey maydadka afar askari oo ay al-Shabaab sheegtay inay a tirsanaayeen ciidamada Kenya iyo kuwa dowladda Soomaaliya kuwaasoo lagu dilay dagaallo shalay ka dhacay tuullada Miido oo u dhaxeysa Afmadow iyo Kismaayo, laakiin afhayeen u hadlay ciidamada Soomaalida ee ku sugan Jubbada Hoose oo VOA la hadlay ayaa beeniyay in maydadka la soo bandhigay ay ka tirsanaayeen ciidamada huwant ah.
Saraakiil ka tirsan ciidamada Kenya ayaa iyagu xaqiijiyay in 5 askari oo ka tirsan ciidamada Kenya la la’ yahay kaddib dagaalladii shalay dhacay, AMISOM ayaa dhinaca sheegtay in ciidamadoodu ay qabsadeen tuullada Miido oo ahayd goobtii uu shalay dagaalku ka dhacay.
XS
SM
MD
LG