Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Shuruudaha Musharraxa Madaxweynaha Soomaaliya


Doorasho
Doorasho
Guddiga dooorashada ayaa maanta soo gudbiyay shuruuudaha laga rabo musharrixiinta u taagan xilka madaxweynenimada ee Soomaaliya.
Guddiga ayaa sheegay in musharax walba laga doonayo inuu bixiyo lacag gaaraysa 10-kun oo dollar oo ah lacagta diiwaaangelinta.
Cismaan Libaax, afhayeenka guddiga ayaa saxaafadda u akhriyay shuruudaha la doonayo oo dhamaan ku qoran dastuurka Soomaaliya.
Shuruudaha waxaa ka mid ah;
(a)Muwaadin Soomaali, Muslim ah;
(b) Da’adiisu aanay ka yarayn afartan (40) sano;
(c) Leh aqoon ama waayo’aragnimo u qalanta xilkaas;
(d) Dhimirkiisu dhan yahay;
(e) Gelin denbi culus oo ay maxkamadi xukuntay.
Guddiga ayaa sheegay inay berri ka soo saari doonaan shuruuddo kale oo ku qoran dastuurka oo ay sheegeen in la hor-dhigi doono baarlamaanka. waxaana ka mid ah in madaxweynaha ay doortaan laba golle, qaabka coddeynta iyo shuruuddo kale.
please wait

No media source currently available

0:00 0:01:46 0:00

please wait

No media source currently available

0:00 0:01:46 0:00
XS
SM
MD
LG