Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Taliban oo Qoorta ka Goysay 17 qof oo Rayid ah


Saraakiik ku sugan dhinaca koonfureed ee dalka Afhganistan ayaa sheegay in ururka Taliban uu qoorta ka gooyay 17 qof oo rayid ah.

Dadka qoorta laga gooyay ayaa waxay ku jira 15 rag ah iyo laba haween ah. Mas’uuliyiin ku sugan, gobolka Helmand ayaa sheegay in maleeshiyada ururka Taliban ay dadkan ku dileen degmada Musa Qala goor danbe oo Axaddii shalay ahayd, iyadoo sababta dilkuna lagu macneeyay in dadkan la dilay ay sameeyeen xaflad rag iyo dumar ay ka qeybgaleen oo heeso iyo qoob ka ciyaar lagu ciyaarayay, taasoo ah arrin ay macnuuceen ururka Taliban

Isla gobolka Helmadn, maleeshiyada Taliban ayaa weerar ay saaka aroortii ku qaadeen saldhig ciidan oo ay leeyihiin ciidamada Afghanistan waxay ku dileen 10 ka tirsan askarta dowladda.

Dhinaca kalena, bariga Afghanistan, saraakiisha NATO ayaa sheegay in askari ka tirsan ciidamada Afghanistan uu toogasho ku dilay laba ka tirsan ciidamada NATO, iyadoo dilkaasi kaddib ay NATO sheegtay inay askarigaasi dileen.
Dilkan oo ka dhacay gobolka Lagham ayaa ah kii ugu danbeeyey ee weerarro xiriir ah oo sannadkan dhacayay kaasoo dhaawacay kalsoonida labada ciidan ee kuwa Afghanistan iyo kuwa caalamiga ah.
XS
SM
MD
LG