Isku xirrada

Xildhibaannadii La Diiday oo Qaarkood la Ogolaaday


Guddiga Farsamada ee xulista baarlamaanka ayaa sheegay inay ogolaadeen qaar ka tirsan xubnihii dib loogu celiyay odoyaasha dhaqanka kuwaasoo qaarkood lagu eedeeyay inay danbiyo galeen.
Xaliimo Ismaaciil "Xaliimo Yaray" la-guddoomiyaha guddiga oo VOA wareysi siisay ayaan si toos ah u sheegin cidda ay yihiin xubnaha la ogolaaday, balse waxay sheegtay in 19 qof oo 7 ka mid ah ay yihiin kuwii lagu dhaganaa la ogolaaday inay ka mid noqdaan baarlamaanka cusub.
Warar ayaa sheegaya in xubnaha la ogolaaday uu ku jiro Xasan Macallin oo horey u ahaa wasiirka madaxtooyada kana mid ah xubno u si weyn ugu ololeeyay madaxweyne Shariif Sheekh Axmed.
XS
SM
MD
LG