Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Warbixino Geerida Meles Zenawi


Ra’isul Wasaaraha Ethiopia Meles Zenawi ayaa geeriyooday isagoo da’diisu ay aheyd 57 sano jir, ka dib markii muddo bilo ah la isla dhex marayay wararka la xiriira xaaladiisa caafimaad.

Telefishinka afka dowladda ku hadla ee Ethiopia ayaa dhimashada Ra’isul Wasaaraha ku dhawaaqay goor dambe oo xalay ah.

Ra’isul Wasaarahii Ethiopia ayaa lagu daweeynayay dal dibadda ah, waxuuse ka tagayaa wax lagu xasuusto oo kala duwan ka dib 20 sanadood oo uu dalkaasi xukumayay.
Maamulkii uu isaga gacanta qura ku hayay ayaa horseeday horumar deg deg ah oo dhinaca dhaqaalaha, hase yeeshee dhinaca kale waxa uu aamusiyay dhamaan codadkii ka soo horjeeday.

Madaxweynaha Somalia oo ka hadlay geerida Zenawi, Wareysi aan la yeelanay wasiirka isgaarsiinta ee Ethiopia Bereket Simon, iyo jawaabo ay ka bixiyeen Islaamiyiinta Somalia iyo ururka ONLF halkan hoose ka dhageyso.

please wait

No media source currently available

0:00 0:15:47 0:00
XS
SM
MD
LG